Halkaan Ka Aqriso Wixii Faahfaahina MANAGING FAILURE ON THE ROAD TO SUCCESS Qoraha: AbdulRehman Sh. Mohamed Read more Bakaal Money Transfer Seatac Washington Call (206)779-6553 US National Security and the New Somalia:Read more
KHALIL KHAN LAWYERS PROFESSIONAL LEGAL SERVICES OFFERED Read More Dukaan yuyaala martin luther king And Alaska Xawilaada bakaal Read more soo waca live radio 619-996-1671 sadexda waqti Live Radio Ceelgows soo waca sadexda waqti

Waxaa Maanta Hotelka Amiira ee Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan Fashil ku dhamaaday ay lahaayeen Qaar kamid ah haweenkii hore ee Baarlamaaaka Soomaaliya kamid ahaa iyo kuwa Hada Cusub iyo Haween kale oo iyagana siyaasada ku jira.

Waxaa Maanta Hotelka Amiira ee Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan Fashil ku dhamaaday ay lahaayeen Qaar kamid ah haweenkii hore ee Baarlamaaaka Soomaaliya kamid ahaa iyo kuwa Hada Cusub iyo Haween kale oo iyagana siyaasada ku jira.


Kulanka ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa is barasho iyo in halkaasi ay haweenka ku kala aragti qaataan kana hadlaan haweenka iyo sida laga maarmaanka u tahay in ay ka dhax muuqdaan Dowlada aan KMG aheyn ee Fadaraalka Soomaaliya uu Dalka yeelanayo.

Kulanka oo bilowday halkaasna ay haweenka ku kala qaadanayeen aragtida ayaa mar qura waxaa goobtaasi soo gaaray Musharax Madaxweyne Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud oo doonayay in uu Haweenka shirka kala qeyb galo lana hadlo si uu ugu soo bandhigo qaar kamid ah waxqabadkiisa hadii la doorto.

Haweenka kulanka ka qeyb galayay oo markii hore aan lagu wargalin in Goobtaasi uu imaanayo Musharax Madaxweyne gaar ahaan Xasan Sheekh Maxmuud ayaa mar qura haweenkii halkaasi fadhiyay bilaaaeen buuq iyo hoos ka hadal halka qaar kalana ay fadhiga ka istaageen si hal haleel ahan hoolka uga baxay.

Kulanka ayaaan noqday mid fashil ku dhamaaday oo mar qura haweenkii kulanka ka fadhiyay ay hal hal u siibteen goobtii xaflada kasocota ,waxaana hoolkii kusoo haray kaliya Wariyaashii doonayay in ay warar ka tabiyaan iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar kamid ah Haween tiro yar oo taageersanaa oo Shirkaasi soo agaasimay.


Si kastaba kulankan ayaa noqday mid yaab ku dhamaaday kadib markii haweenkii kulanka lagu casuumay ay si lama filaan ah Hoteelkii ay iskaga tageen kadib markii isha saraeen Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Musharax u taagan Xilka Madaxweyne ahna Gudoomiyaha Xisbi Siyaasadeed.

CEELGOWS.COM

Leave a Reply

© 2012 Ceelgows.com - All rights reserved. · RSS Farsamadii AqoonKaal.com