Dalka Yemen oo haatan aad usii tabar daraynaya ayaa waxaa wali kusii qul qulayaa tahriibayaasha Soomaalida iyo Itoobiyaanka , oo asbuuckasta halkaas ku gaara doonyo.
Tahriibayaal tirodoodu gaarayso79qof ayaa waxaa ay dooni ku qaraqantay bad cas,taas oo sida la aaminsan yahay kasoom kicitintay xeebaha bariga Puntland, ilaa iyo hadda waxaa geeriyootay 10qof oo 4kamid ah maydkoodii lahelay, halka 6kalana ilaa haddda lala’ayahay, loona malaynayo in ay badu cuntaya.
ciidanka ilaaladda badaha Yemen ayaa dadkaan soo bad baadiyey, waxaana ay dadkaani ubadan yihiin dhalinyaro rag ah, ayada oo ay weheliyaan dumar iyo caruur aan badnayn, waxaana uu ciidanku haatan wadaa baritaan uu uga dhexraadinayo in ay ku jiraan dad ka tirsan xarakadda Al-shabaab oo doonayey in halkaas ka dagaal galaan.
ilaa iyo hadda Soomaalida ayaa kusii qul qulaya dalka Yemen ayadda oo uu wadanka Soomaaliyanna yeelanayo dowladd rasmi oo wadanka hagi doonta 4sano ee soo sacda, mana cadda qorsha ugadagan dowladda dadka tahriibaya.
CEELGOWS.COM



























