Madexweynaha dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo wafdigiisii balaarnaa ee uu hogaaminayay ayaa la filayaa in galabta ay dalka dib ugu soo noqdaan.
Wafdiga Madexweynaha oo hada ku sugans Wadanka Jabuuti ayaa waxay horay uga qayb galeen Aasikii Ra’isul-wasaarihii dhibtay ee Ethiopia Atto Malez Zanawi waxaana la filayaa in galinka dambe ee manta ay ka soo degaan Magaalada Garowe ee caasimada Puntland.
Wafdiga Madexweynaha dawlada Puntland ayaa intii ay ku maqnaayeen Safarkan dalka dibadiisa waxay cagta soo wada mariyeen Wadamada Ethiopia iyo Jabuuti halkaas oo ay kulamo kala dawn kula soo qaateen Madexda Wadanmadan, Madexda Africa, Qaar ka mid ah Wakiilada dawlada kale ee caalamka iyo xubno ka mid ah Madexda Soomaalida waxay kaloo kulamo la soo qaateen qaar ka mid ah Shirkada Shidaalka soo saara ama Caalamka u iibgeeya oo ay kala hadleen arrinta Shidaalka Puntland oo hada la sheegayo in meel aad u rajo wanaagsan uu marayo.
Xogtan imaanshaha wafdiga Madexweynaha dawlada Puntland waxaa webka Puntlandi u soo gudbiyay ilo xog ogaal ah oo aad madextooyada uga ag dhaw.
Dhanka kale magaalada Garowe ee Caasimada puntland ayaa manta waxaa laga dareemayaa diyaargaraw baaxad leh oo ku aadan soo dhawaynta wafdiga Madexweynaha puntland waxaana qorshuhu yahay in si heersare ah oo laga maqsuudo loo soo dhaweeyo wafdiga madexweynaha Puntland hadii alle idmo.
CEELGOWS.COM



























