Jaaliyadda Puntland Diaspora of Washington State – USA waxaa sharaf u ah inay Hambalyo iyo Bogaadin waafi ah u diraan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Wadaagga (Federaalka) ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud; annagoo marka hore ugu hambalyaynana Xilka Culus ee uu Golaha Shacbiga Soomaaliyeed u doortay 10kii BIshan Sebtembar 2012; sidoo kale ku faraxsan in uu ka badbaado Shirqoolkii Dilkaa ee ay Doqontu soo maleegtay. Waxaan ku kalsoon nahay in uu Rabbi oo qura yahay kan wax dila waxna nooleeya, misna qofna laga hormarin karin saacadda Allaah ugu talo galay geerida xaqa ah.
Waxaan dareemaynnaa culayska uu leeyahay xilka Maanta jooga oo aan lahayn dhaqaale lagu fuliyo tabashada shacbiga iyo dad dhimir fayow oo ka qayb qaata dhismaha dalkan Soomaaliya ee masiibadu haleeshay. Misna waxaan og nahay qofka Rabbi talo saarta lana tashada Samo Jeclaha Soomaalida in uu ku guulaysanayo Qorshaha Badbaadinta Ummadda Rabbi Xilkeeda u dhiibay.
Waxaad goob joog u ahayd wixii qaran jab, is qalashada walaalaha, degel kac naf la carar ah iyo halaag laga naxo ummaaddeenna la soo gudboonaadey. Waxaad og-tahay inta cadow gudaha (nacas kula dub ah ee lagugu salliday) iyo mid dibadeed oo aan lixaadka ummaddeenna raalli ka ahayn.
Waxaad ogayd dhibka, is jiidka iyo rafaadka laga soo maray Tubtii lagu soo gaarey in maanta Allaah Xamdigiis aan yeelannay Dastuur (wali kala dhimman), Barlamaan (haba jiraan kuwa badan oo debindaabyada ummaaddeenna qayb wayn ka qaataye), Nidaam Dawli ah oo aan ku meel gaar ahayn iyo Madaxweyne lagu doortay Caasimaddii gacmaha donqontteenna ku baduugantay. Misna waxaad og tahay in ay jiraan qaar badan oo xilka ugu tartamayey in ay cunto booli ah oo dadkeedii baqtiyey kaligood cunaan.
Jaaliyadda ahaan waxaan diyaar la nahay in aan gacan muuqata ka gaysanno wax kasta oo dalka dadka Soomaaliyeed lagu badbaadin karo. Allaah adigana ha kugu toosiyo jidka xaqa ah, ummaddana qalbigeeda isu soo dumo.
Prof. Cabdulwali Cabdullaahi Sheik, Xoghayaha Guud ee Jaaliyadda
CEELGOWS.COM



























