Garoonka Kubbadda Cagta ee Cawaale Stadium ee magaaladda Gaalkacyo waxaa fooda isku daray, laba kooxod oo ka kala socda gobolka Cayn magaaladda Buuhoodle iyo gobolka Mudug magaaladiisa Gaalkacyo.
New-kaambo Vs New-stars oo ciyaartoodu kusoo gaba gabowday bar baro ayaa waxaa ay soo bandhigeen ciyaar aan horay looga baray kooxaha noocan oo kale ah ee goboladda martidda isugu yimaado.
Ciyaarta oo kusoo gab gabowday 2-2, ayaa waxaa ay ahayd ciuyaar aad u dagan una qurux badan, taas oo aysan ka dhicin wax calaamad gaduudan ah in kasta oo laqaatay ilaa 4calaamadood oo Jaale ah.
Goolasha ayaa waxa loo kala dhalinyey sidaan.
Biloowgii ciyaarta ayaa waxaa gool la hor martay Kooxda New-kaambo, waxaana gooshaas u dhaliyey Xasan C/raxmaan Xasan (Xassan Zidan), oo uga ciyaarayey Khadka dhexe agool rigooro ah ama Darbadda Xortaa shabaqa ku hubsaday, waxaana uu ka dhigay 1-0.
Looma kala nasane markii ay ciyaartu daqiiqado socotay waxaa gooshaas soo bar bareeyey Ciyaar yahan Weerarka ugu ciyaara kooxda New-stars oo ah ciyaar yahaka ugu khabiirsanaa intii garoonka ku jirtay, oo mudo kusoo jiray ciyaarah Heerka koowaad ee Puntland, Cali maxamed (Cali Duulduul), oo Darbada xorta ah (Bilisyoone) shabaqa ku hubsaday, wuxuuna u badala ciyaartii 1-1.
Markii lasoo kala nastayna waxaa ciyaarta Dar dar soo galisay kooxda New-kambo, oo badal badan samaysay waxaana ay Gool kale kaga naxsadeen Shabaqa kooxda New-stars ee Buuhoodle, waxaana u saxiixay ciyaar yahankooda weerarkaa C/casiis Maxamed Faarax (C/casiis Cadde), oo gool qurux badan gool hayaha New-stars na uu isku dayey shabaqa gaar siiyey, oo hogaanka ugu dhiibay New-kaambo 2-1.
Ciyaarta ayaa waxaa ay socotay Mudu, hase yeeshee daqiiqadihii ugu danbeeyey waxaa ay Kooxda New-stars Goosha kasoo saareen Gool hayahoodii waxaana ay usoo badaleen Dhinaca weerar, waxaana uu ukeenay goosha Bar barada Liibaan Maxamed (Liibaan Diish), ayaa kooxda New-stars u xaqiijiyey in aysan guul daraysan, waxaana uu ciyaartii ka dhigay 2-2.
Garsoorayaashii ciyaarta ayaa waxaa ay amaan usoo jeediyeen labadii kooxood ee garoonka ku ciyaarayey, waxaana ay shegeen in ay muujiyeen Ciyaar wanaag iyo kala danbayn.
Sikastaba ha ahaatee waxaa ay ciyaartii kusoo gab gabowday, 2-2, waxaana la filayaa in kooxda Buuhoodle ka socotay in dib ugu laabato Gobolka Koodii, maalinka bari ah.
Lasoco Goor dhow Sawirada iyo Codadkii Macalimiintii iyo taagerayaashii Labadda Kooxood>…
Ceelgows.com
CEELGOWS.COM




























