
Ceelkaan oo uu dalka Turkigu ugu deeqay barakacayaasha Tawakal ayaa waxaa fulinaysay Somali irrigation Company (SICO).
dhismaha ceelkaa ayaa waxaa uu galay hakad kadib markii ay kuyimaadeen caqabado kala gadisan, kuwaas oo ay ugu danbayntii xaliyeen maamulku, laguna guulaysataya in la dhagax dhigo Ceelkii oo qodistiisu haatan socoto.
ugu danbayntii duqa dagmada Gaalkacyo clo: siciid Abdi Faarax ayaa waxaa uu dhagax dhigay ceelkaas, loo dhisayao TAWALK IDP camp.
Duqa oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in shacabka looga baahan yahay in ay lashaqeyaan dadka mas’uuliyiinta u ah, sidoo kalana ay dhowraan soona dhaweeyaan dadka mudadawiciinta ah ee deeqaha soo gaarsiinayaa.
Duqa ayaa intaasi ku daray in ceelkaani uu yahay ceel ay leeyihiin dadka deegaanka TAWAL IDP, looguna tala galaya dadka gudaha ku barakacay ee xeradaas dagan.
Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay mas’uuliyiin ka kala socota Shirkadda SICO iyo Puntland drilling Compabny, oo ah kuwa gacanta ku haya shaqada, waxaana ay xuseen in reer Tawakal looga baahan yahay in ay lashaqeeyaan in ceelkasi dhamaanayo, ayaga oo intaas ku daray in ceelkaas lagu wareejin doono bulshada deegaanka oo ay ayagu maamulan doonaan.

CEELGOWS.COM



























