Caawa 9-45 Habeenimo xiliga Afrikada Bari waxaa lagu wadaa inay dhacdo Kulankii la wada sugayay ee Finalka Gabdhaha Olombikada London 2012 waxaana Ciyaartaan adag ay u dhexeysaa Gabdhaha USA vs Kuwa Jabaan oo Sanadkii 2011ka isagu soo haray Finalka Gabdhaha Aduunka oo ay Rigoorayaal ku qaadeen Gabdhaha Jabaan.
Kulanka Caawa oo muhiimadiisa huwan ayaa la filayaa labad dhinac inay soo bandhigaan Ciyaartii xiisanah badneyd ee loga bartay waana 2 xul oo gabdhaoodu aanay kala dhicin.
dhinaca USA hadaan ku hormarno ma kala dhacaan waa koox ciyaareysa difaac adag,dhex isku duuan iyo weerar xoogan waxaana gabdhaha sida gaarka ah loo hadalhayo ka mida Lambarada 14,13,iyo 15 iyo Goolahayaha halka Jabaan oo qudheeda ciyaareysa Ciyaar adkeysi iyo kubad isku xiran ku dhisan ay ugu cad cad yihiin Lambarada 17,6,11,10,7.
Labada Hogaamiye ee Labada xul ee gabdhaha USA vs Jabaan waxa ay kala yihiin 14ka USA Wambach iyo 17ka Jabaan.Nagasato
Hadaba yaa ku guuleysan doona Bilada Dahabka iyo Koobka Tartankaan.
Sidoo kale Galabta waxaa la ciyaari doonaa Kulankii Loogu Hardamayay Kaalinta 3 ee Olombikada London 2012 waxaana Fooda is dari doona Gabdhaha Franca vs Canada.
wixii soo kordha kala socda ceelgows.com
CEELGOWS.COM



























